Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa ku go’doosan magaalada Mekelle ee dalka Eithopia halkaas oo dagaalo xoogan ay ka dhaceen.
Warar Radio Gedo uu ka helayo dalka Eithopia ayaa sheegay in ardaydan Soomaaliyeed halkaas ay ku dhibaataysan yihiin.
Dowladda Federaalka ayay ugu baqeen qaar ka mid ah arday in gacan ay ka gaysato sidii halkaas loogu soo daabuli lahaa.
Ma haystaan ardaydan meel ay ka baxsadaan maadaama dhinacyada dagaalamaya marba marka ka dambeysa ay ciidamo isku aruursanayaan