Askari ka tirsanaa Ciidamada ilaalada wadooyinka oo muqdisho lagu dilay

0
281

Muqdisho-radiogedo-Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshadda Caanaha waxaa dil looga geestay Askari ka tirsanaa ilaalada wadooyinka ee tafaafikada.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen koox ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka kuwaas oo xiray goobta islamarkaana baaritaano ka sameeyay agagaarka dilka uu ka dhacay oo ah dhex bartamaha Wadada qarshada Caanaha ee Degmada Hodon, iyagoo meesha ka qaaday meydka Marxuumka.

Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa marti galiyay mudooyinkaan weeraro iskugu jira dilal qorsheysan iyo Qaraxyo kuwaas lidi ku ah Amniga guud ee dalka, iyadoo dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah islamarkaana la guuda galay doorashooyinka Aqalka Hoose ee BFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here