Ciidamada Dowlada oo howlgal ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

0
381

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday ay ciidanka Kumaandooska Danab waxay ku bur buriyeen fariisimo Al-Shabaab ay lahaayeen.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay in kabadan 15-dhagar-qabe oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Howlgalada ay ciidamada dowlada ka fulinayeen deegaano ka tiran gobolka Jubbada Hoose ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay sare u kacay iyadoo dhowaan sidoo kale duqeyn ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaan ka tirsan Maamul goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here