Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

0
280

Iska hor imaad khasaare gaystay ayaa maanta ka dhacay Ex- kantarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Seddax qof oo ay ku  jirto qof dumar ah ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen iska hor imaadka ka dhacay Ex- Kantarool.

Dagaalkan ayaa salka ku haya kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

Halka iska hor imaadka uu ka dhacay waxa  gaaray Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka , xaaladuna waa mid degan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here