Doorashada qaar kamid ah kuraasta mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa goordhaw ka bilaabatay xarunta shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo.

0
272

Khubadaha musharaxiinta ayaa goordhow soo dhammaatay socda iyadoona hoolka ay ku sugan yihiin dhammaan musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta.

Illaa sagaal xubnood ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo u sharraxan afar kursi oo ka mid seddeeda Senator ee Aqalka Sare ka soo galaya dhinaca maamulka Jubbaland.

Musharraxiinta sagaalka ah oo ay mid ka mid ah tahay Haweeney ayaa sidoo kale khudbadahooda maanta ka horjeediyay golaha wakiilada Jubbaland.

musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta.

Kursiga ugu horeeyo waxaa ku tartamayo Ilyaas badal gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid.

Xubnaha kale ee musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah:-

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

       Axmed Maxamed Jaamac

2: Xalimo Jaamac Maxamed

       Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3: Ilyaas Badal Gaboose

         Maxamed Axmed Sayid

        Sharmake Maxamed Cabdi

4: Ibrahim Yacquub Ismaacil

        Iftin Xasan Iimaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here