Dowladda Federaalka ‘’ Duqeynbaa la eeganay Al Shabaab ‘’

0
270

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in  howlgalo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda ayaa sheegtay in howlgaladan Ay ka dhaceen degaannada Gobolka Mudug.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga gobolka Mudug.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda gar ahaan kuwa Kumandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Radio Gedo News.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here