Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0
240

Wararka aan ka heleyno xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka lagu dilay Wiil dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Wiilka la dilay uu kamid ahaa Dadka Muruq-maalka ah, uuna dilay Nin lagu magacaabo Bile Xaashi Faandows oo la sheegay inuu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyaha, sidaasina uu Wiilka ku dilay.

Marxuumka dhintay ayaa isna waxaa magaciisa lagu soo koobay Burhaan, waxaana Wiilka la dilay iyo Ninka wax dilay ayaa kala ahaa ilmo Abti iyo Eedo, iyadoona qoysaska labada dhinac ay ka naxeen dilkaas ka dhacay xaafadda Waaberi ee Dhuusamareeb.

Bile Xaashi Faandows oo ah Ninka falka geystay ayaa goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd Xaafadda Waaberi ee Dhuusamareeb ka baxsaday, waxaana socda howlgalo Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku baadi goobayaan Ninka falkaas geystay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa marar hore sidaan oo kale uga dhacay dilal ay isku geysteen dad isku qoys ahaa, iyadoona laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dilalka ka dhacay Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here