Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan koox hubeysan oo gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Caanaha ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Askariga ka tirsan kuwa Taraafikada ee dowladda Federaalka, xili uu ku sugnaa Isgoyska Warshada Caanaha.

Dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta si deg deg ah uga cararay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qaaday Meydka Askariga la dilay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmahan kusoo badanayey dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxaha ku hubeysan Bastooladaha, waxaana maalin kahor degmada Hodan lagu dilay Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka dowladda.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaan wali ka hadlin dilalka iyo qaraxyada muddooyinkii dambe ku yaraa Magaalada MUqdisho ee dib ugu soo laabtay, waxaana falalkan ammaan darro dhacayaan xili Ciidamo badan ka howlgalayaan gudaha Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here