Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya , Diyaarad xamuul ah oo ku dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka Gedo Radio uu ka helayo shilkan ayaa sheegaya in diyaaradan ay ku dhacday goob ay u xirnayd Ciidanka Militiriga Dowladda Federaalka.
Dadka degaanka ayaa ku waramaya in diyaaradan ay ka timid dhinac magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maamulka Jubbaland oo goor hore ee maanta ka hadlay shilkan ayaa xaqiijiyay in aysan jirin khasaare ka dhashay diyaaradan ku dhacday degmada Ceelwaaq
Radio Gedo News