Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo maanta gaaray Kismaayo

0
284

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa xarunta Madaxtooyada kumeelgaarka ee Jubbaland ku qaabilay Guddiga xallinta khilafaadka arrimaha Gobolka Gedo oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa yimid magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa guddiga uga warbixiyay marxalidihii ay soo martay Jubbaland iyo dadaallada lagu bixiyay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha ka taagan gobolka Gedo iyo waxyaalo badan oo loogu tanaasulay si xal loogu helo arrimaha dooraahooyinka qaran si looga baaqsado dib u dhac ku yimaada dooraahooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here