Hirshabeelle oo ka soo horjeesatay hadal ka soo yeeray Hadal ka soo yeeray Musharraxiinta

0
316

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeeday hadal maalin ka hor ka soo yeeray xubno ka mid ah Midowga Musharraxiinta kaas oo ku saabsan in Beledwayne xiligan lagu qaban Karin doorasho.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay  warkaas ka soo yeeray  midowga musharraxiinta.

Dhinaca kale  Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta asigoo sheegay inay qas iyo fowdo kuwadaan Islamarkaana Beledweyne doorsho lagu qaban karo.

Si kasta Midowga musharraxiinta ayaa kol hore waxa ay sheegeen in degaanada  Hirshabeelle gaar ahaan beledwayne lagu qaban Karin doorasho.

Radio Gedo  News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here