Howlgal maalmo qaatay oo lagu soo qabtay Shaqsiyaad dilal ka geestay Koofurta G.Mudug.

0
209

Dhuusamareeb-radiogedo-Howlgal ay hoggaaminayeen Senatoro, gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo qaatay muddo 8 Bari islamarkaana laga sameeyay degaanka dhagtuur ee koofurta gobolka mudug, iyadoo lagu soo qabtay gacanta lagu dhigay 7 ruux oo ah dambiilayaashii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur iyo degaanada hoos yimaadda oo ay ciidamada amniga ay baadi goobayeen maalmihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, Ciidanka amniga ayaa howlgalka lagu soo qabtay qaar ka mida ah walidiinta dambiilayaasha la raadinayo, ka gadaal markii ay ka baxsadeen degaanada howlgalku ka socday.

Intaa kadib, dadkii lagu soo qabtay howlgalkii degaanka dhagtuur ayaa loo taxaabay xabsiga Ku yaalo Dhuusamareeb ee galmudug, halkaas oo la doonayo in lagu maxkamadeeyo.

Howlgalka si gaar ah waxaa u  fuliyey ciidanka madaxtooyada galmudug, iyadoo ay hogaaminayeen taliyaha ciidanka madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga, iyo ciidamada booliiska, kuwaas oo kashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here