Kenya Oo Sheegay Inaysan Ka Bixi Doonin Somalia

0
281

taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya, General Robert Kibochi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu “siiyey Warbaahinta Kenya Broadcasting Cooperation ee KBC oo uu kaga hadlay Ciiddankooda ka jooga Somalia iyo Walaaca Kenya ee Dhacdhooyinka ka taagan Ethiopia.

“Ciiddanka Kenya kama huleeli doonaan Somalia waqtiga ugu dhaqsaha badan, waayo Somalia waa dal aan deganayn iyo Ciiddankooda Ammaanka oo weli u baahan Taageerada Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya oo Warbaahinta KBC ku waraysatay Xarumaha Dhexe ee Waaxda Difaca Kenya oo ku yaalla Aqalka Ulinzi House ee magaalladda Nairobi.

General Robert Kibochi waxa uu xusay inaysan awoodi Karin inay weligooda Somalia sii joogaan, balse, ay ka bixi doonaan marka ay gaaraan Hadafkooda, lana xaqiijiyo guusha sababihii ay Somalia u soo galeen sanadkii 2011-kii.

Taliyahaasi waxa uu ku dooday inaysan doonaynin inuu xaalku noqdo sidii dhacday muddadii u dhexeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2012-kii, oo uu sheegay in Kenya xilligaasi Somalia looga tahriibiyey Tobaneeyo Bam-gacmeedyo iyo hub kale.

Ciiddanka Kenya ayaa la rajeynayey inay Somalia ka bixi doonaan dabayaaqada sanadkan 2021-ka, sida horey loogu xusay qorshaha Hawlgalka AMISOM, balse, qorshahaasi ayaa weji kale yeelan kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here