Kenyatta ‘’ Lama ogolaan doono in lagu soo xadgudbo dhulka Kenya ‘’

0
431

Madaxwaynaha Kenya ayaa jeediyay hadalo kulkul oo la xiriira inuusan u dulqaadan doonin in lagu xad gudbo dhulka dalkiisa .

Hadalkan ayaa Uhur Kenyata sheegay mar uu booqasho uu ku  tagay degaanka Lamu , halkaas oo dhawr jeer weerar ay ku soo qaadeen dagaalyanada Al Shabaab.

Waxa uu yiri Uhuru ‘’ lama aqbali doono in lagu xadgubi inji ka mid ah Kenya ‘’

Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta  ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxa la ogyahay in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay u dhaxeyso khilaaf salka ku haya muranka Kenya ay galisay baddeena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here