Khilaaf ka dhashay doorashadii Ceelwaaq oo ka dhex taagan Guddiga Xallinta Khilaafaadka

0
182

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ayaa waxba kama jiraan kutilmaamey doorashadii shalay lagu qabtey degmada ceel waaq ee Gobolka Gedo wuxuuna sheegey iney baalmarsan tahay heshiiskii doorashada dadban.

Maxamed Cawil ayaa sidoo kale sheegay in ay sharci daro tahay doorashada Garbahaarey laga qaban qaabinaayo maadaama ay ka maqan yihiin guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ku kala qeybsamay tilaabadaan waxaana kasoo horjeestay xubno ka mid ah Guddiga.

Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban oo uu hogaaminaayo Burhan Cilmi Xirsi oo ah Guddoomiyaha qeybta Jubaland kala shaqeynayo doorashada ayaa shalay ka Qeybgalay Doorashada 11 kursi ee Golaha Shacabka oo ay doorashadooda ka dhacday Deegan Doorashada labaad ee Ceelwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here