Koox hubeysan oo xalay dil iyo dhaawac ka geystay Ceelwaaq.

0
295

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen hoyga uu degmadaasi ka degan yahay isku duwaha waxbarashada degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in kooxda hubeysan ay dil iyo dhaawac ka geysteen hoyga uu degnaa isku duwaha waxbarashada ee degmada Ceelwaaq ee goboka Gedo, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ibraahim Guuleed  Aadan ayaa KNN u sheegay in isku duwaha waxbarashada degmada uu ku dhaawacmay weerarka, halka xaaskiisana ay ku geeriyootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here