Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0
122

Madaxda Dowlaad Goboleedyada ayaa Hamalyo u diray Ciidanka Xoogga dalkla Soomaaliyeed, oo ay manta ku aaddan tahay 62 sabo guuradii kasooo wareegtay markii la aas-aasay.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale hambalyada udiray ehelada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maalintan Maamuuska badan ugu Hambaliyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dablayda iyo Qoysaskooda ugu Hambaliyeeyay Munaasabadan Qiimaha Badan waxana uu ku bogaadiyey Geesiyaasha Naftooda Huriyaasha ah inay xoojiyaan Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu hambalyeeyay sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegatay markii la’aasaasay.

“Dowlad Goboleedka Puntland ayaa muhimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenku ku boggaadiyay difaaca iyo naf hurnimada ay u sameynayaan illaalinta nabadgelyada iyo amniga Puntland iyo guud ahaan  Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa dhankooda hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here