Madaxweyne Bixi “Soomaaliya maanta Maraykan xiriirka ha u jarto hadii ay ku dhacaan”

0
230

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa weerarka Afka  ah ku qaaday Soomaaliya isagoona  sheegay in looga baahan yahay in ay xiriirka jarto Mareykanka maadaama dalalkii uu horay u booqday qaarkood xiriirka loo jaray.

Muuse Biixi ayaa xusay in Somaliland ay qarka u saaran tahay in ay noqoto dal Madax banaan oo ay hesho aqoonsi.

Waxaa uu tilmaanay in uu guulo waa weyn uu ka gaaray Shirarkii uu la yeeshay Masuuliyiinta dalka Mareykanka.

“Somalia maanta Maraykan xidhiidhka ha u jarto hadii ay ku dhacaan, aqoonsigii Somaliland oo mid hadda soo ifaya” ayuu yiri Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here