Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay sarakiil ciidan xili…..

0
305

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee  Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dhawaan soo saaray wareegto uu ku dalacsiiyey 174-sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Ciidamadda la dalacsiiyay ayaa ka tirsan Milateriga gaarka ah ee Gor-Gor waxayna u badanyihiin kuwa ka howgalayay gobolka Gedo  iyo ciidamaddii Muqdisho kula dagaalamay ciidankii ka hor yimid muddo kororsigii  madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dalacsiiyo saraakiil kale oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Wareegtada lagu dalacsiiyay Saraakiishaan ayaa xafiiska MW Farmaajo laga soo saaray 1-dii bishaan, iyadoo 5-tii bishaana uu faafiyay taliyaha Milateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ilo wareedyada Muhiim ah ayaa xaqiijiyay in aan  la dalacsiin dhammaan saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee ka horyimid mudo kororsigii labada sano ahaa oo qaar ka mid ah xildhibaanadii waqtigu ka dhamaaday ay 12-kii bishii Abriil ay  u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah ciidankii diidanaa muddo korarsiga hore ayaa looga jartay mushaarka waxaana hada muuqata in sidoo kale aysan qeyb ka aheyn dalacsiinta ciidamada iyo saraakiisha xoogga dalka.

Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhiga in MW markii uu dhamaado muddo xileedkiisa dalacsiin, darajo ka xayuubin, magacaabis iyo xip ka qaadis sameen karin.

Arrintan ayaa ka horimaanaysa heshiiskii ay horay u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka hor yimid Qorshihii madaxweyne  Farmaajo ee uu ku doonayay  mudo kororsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here