MUQDISHO-radio gedo-Dalka maraykanka Gaar ahaan Gobolka Kentucky ayaa waxa ku dhuftay duufaano khasaaro baaxad leh dhaliyay waaxaana la shaaciyay  in ay  dhimashadu hadda marayso ilaa 74 qof sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka oo la hadlay warbaahinta,

Ilaa afar duufaan oo kala duwan sidoo kalana dhaliyay khasaaro baxad leh ayaa ku dhufatay Gobolka habeenimadii jumcaha ilaa sabtidii.

Kumanaan qof ayaa wajahaya Guryo la’aan,biyo la’aan iyo koronto la’aan iyadoo dhinaca kale la soo sheegayo in weli la haynin xogtooda 109 qof,duufaanadan ayaa sidoo kale ku dhuftay gobollada Illinois, Mississippi, Missouri, Tennessee iyo Arkansas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqan doonaa Kentucky Arbacada si uu u soo indha indheeyo khasaaraha ka dhashay duufaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here