Mareykanka iyo Kenya oo kulan ku saabsan arrimaha Amniga ee Soomaaliya iyo Itoobiya yeelanaya.

0
275

Nairabi-radiogedo-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony J. Blinken uu 15-ka bishaan booqan doona dalka Kenya, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo.

Ujeedka Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.

Dhinacyada ayaa waxey  ka wada hadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.

Sidoo kale, Antony J. Blinken ayaa ku dhawaaqi doona taageerada Mareykanka ee ku aaddan doorasho nabad ah oo dimuqraadi ah oo ka dhacda Kenya sanadka 2022-ka ee soo socda.

Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, wuxuuna dalkaas ku leeyahay saldhig military kaas oo uu ka maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here