Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0
194

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada qaranka Xuseen Shiikh Maxamuud .

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya iyo Saraakiil ka socta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filiyaa in uu maalinta beri ah uu gaaro magaalaada baydhabo, iyadoo wafdigaan ay safar hordhac ah u yihiin kan Madaxweynaha.

Wali waxaa uu muran xoogan ka taagan yahay muda xileedka madaxweyanaha maamulka koofur galbeed Cabdicasiiis Xasan Maxamed Lafta gareen, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here