Muslimiinta Ingiriiska Oo Wajahaya Walaac Uu Sacuudigu Sabab U Yahay

0
198

Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska ee rajaynaya inay sanadkaan gutaan waajibaadka xajka ayaa halis ugu jira inay lumiyaan kumannaan lacagta Giniga Istarliinka ah ka dib markii ay dawladda Sucuudigu soo rogtay in hab online ah lagu goosto tikidhada.

Xujayda ayaa lagu wargeliyay inay adeegsadaan baro online ah oo ay halkaa iska diiwaan geliyaan,iyadoo markaa kadibna bartaas laga dooran doono cidda aadeysa xajka sanadkaan.

Dad badan ayaa horey isku diwaan galiyay kuwaas oo laga yaabo inay waayaan lacagtooda.Arrintaan waxaa walaac ka muujinaya xujeyda iyo shirkadaha dadka xajka geeya.

Qaar ka mid ah dadka sanadkaan xajka isku diyaariyay oo waliba sida aadka ah u sugayay ayaa BBC-da u sheegay inay ka niyad jabeen markii ay maqleen in dowladda Sacuudiga soo rogtay in hab online ah dadku ku goostaan tikidhada.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Sacuudiga ay oggolaatay in sanadkan ay soo xajiyaan hal milyan oo qof halkii ay horay tiradu u gaari jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here