Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xasan Cigaal oo 56-jir ahaa ayaa Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 ugu geeriyooday degaanka Malmesbury oo hoostaga Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, ayaa waxaa maanta lagu aasi doonaa Qabuuraha Muslimiinta ee Paarl, sida uu xaqiijiyey Sahal Ahmed oo uu Adeer u ahaa, waxaana Aaska ka qeyb geli doona Soomaalida ku nool degaanka Malmesbury oo hoostaga Magaalada Cape Town.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, ayaa Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday dalka Koonfur Afrika oo iminka la daalaadhacaya Wajiga Saddexaad ee Coronavirus oo ah kan ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haaya dalalka Caalamka.

Madaxda dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay dhowr jeer soo saareen Amaro lagu xakameeynayo cudurka, waxaana dalkaasi uu kamid ah kuwa ugu daran ee Qaarada Afrika uu ka sameeyay Cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here