Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani kuwaas oo ka hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka
Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa isla soo hadal qaaday sida loogu gudbi karo caqabadaha arrimaha doorashooyinka dalka 2020-2021.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isweydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan Muslimiinta horumar iyo barwaaqo inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale.
Madaxwayne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa labada shacabka ee Soomaaliya iyo Qatar ugu hambalyeeyay munaasaba maalinta Ciidul-Adxa
Radio Gedo News