Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaanada maamulkaas aysan doorasho ka dhici doonin ilaa laga soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo ku dhawaad seddax sano u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa ay odayaasha dhaqanka koofur Galbeed ay shuruud ku xireen in doorasho lagu qabbto maamulkaasi, iyadoo ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in la siidaayo Mukhtaar Roobow
Sidookale in Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu guddi xaqiiqo raadin usaaro xarigiisa iyo dib u heshiisiin uu u diro deegaanada K/Galbeed oo sida ay sheegeen xaalad cakiran ay ka jirto tan iyo markii hoggaanka maamulkaas loo dhiibay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanada dowlad goboleedka K/Galbeed mid ka mid ah oo lagu magacaabo Malaaq Ilyaas oo la hadlay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa faah-faahin ka bixiyey shuruudaha ay ku xireen doorasho ka dhacda deegaanada maamulka K/Galbeed iyo doonistooda siideynta Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ugu xiran arrimo siyaasadeed.
“Sheekh Mukhtaar ma xirna ee waa afduuban yahay, sababtoo ah illaa hadda maxkamad lama hor geyn, cadaaladna ma uusan helin, isagoo musharax ah ayaa la afduubtay, shuruudahaana waxaan u soo saarnay in doorasho xor ah aysan ka dhici doonin K/Galbeed, dhibaato badan ayaa jirta, ninka meesha fadhiyana dhiig ayuu ku fadhiyaa,” ayuu yiri Malaaq Ilyaas oo odayaashaas u hadlay.
Tani ayaa waxaa ay ka mid noqon doontaa caqabadaha dhanka doorashada ee R/Wasaare Rooble uu wajahayo, maadama hore ay muran iyo dood ka taagneed arrinta Gobolada Waqooyi oo ay isku heestaan maamulideyda Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi