Puntland : Barlamaanka Maamulkaas oo fasax galay .

0
295

Maanta magaalada Garoowe ee Puntland waxa ka qabsoomay fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Kulankan waxa si wadajir ah u Guddoominyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo ku xigeenka  2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in waqtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cishe ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare

Barlamaanka Maamulkaas , ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here