Puntland oo dowladda Sweden kala hadashay howlo ka socda degaanada Maamulkaas

0
297

Wasiirka Caafimaadka  Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta safaaradda Swedan ee Nairobi kula kulmay Petra Smitmanis Dry Madaxa xiriirka iyo horumarinta Sweden Xafiiska Somalia.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay mashaariicda caafimaad ee ka socda Puntland ee dhaqaalaheeda ay bixiso dawlada Swedan.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay qorshayaasha wasaaradda ee sanadka iyo caqabadaha ka jira ee loo bahanyahay in si wadajir ah looga wada shaqeeeyo sidii loo xalin lahaa.

Wasiirka oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa inuu la kulmo inta uu joogo wadamada ka shaqeeya caafimaadka Soomaliya lana wadaago horumarinada wasaaraddu wado iyo qorshayaasha la doonayo in la gaaro sanadka inta ka dhiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here