Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Masjid ku yaalla Caasimadda Afghanistan

0
98

Qarax ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Herat ee galbeedka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay Wadaad si weyn u taageersan Taliban iyo in ka badan 17 qof oo rayid ah.

“Sideed iyo toban qof ayaa ku shahiiday dhacdada, 23 kalena waa ay ku dhaawacmeen,” Hameedullah Motawakel, oo ah afhayeenka guddoomiyaha gobolka Herat, ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Qaraxa ayaa ka dhacay Masjidka Guzargah oo lagu tukanayay Salaaddii Duhurnimo ee Jimcaha.

“[Imaam] Mujib Rahman Ansari oo ay la socdaan qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad rayid ah ayaa la dilay iyagoo ku sii socda masjidka,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Herat Mahmoud Rasooli.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here