faafaahino ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Hareeri dheere oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowaladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday ciidamo iyo saraakiil uu hor kacayay taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyooday sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda waxaana ku dhaawacmay 5 akari oo kamid ahayd arkartii ilaalada u ahayd Taliyaha ciidanka dhulka.
Masuuliyiinta iyo ciidamada ayaa kormeer ku sameenayay deegaanada la gala wareegay Alshabaab ee hoosyimaada gobolka Mudug.