Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta ku wajahan dalka Masar

0
215

a’iisal Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta ee  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar waxaa ay ugu  baxayaan magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar & jaaliyadda Soomaliyeed inta uu joogo Magaalada Qaahira.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee dalka waxaa uu bilaabay soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la leheyd dalalka qaar oo xumaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here