Ra’iisul Wasaare Rooble oo u ambabaxay dalka Kenya

0
285

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Gsroonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo Xafiiskiisa, waxaana Garoonka kusii sagootiyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa oo casuumaad ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan ay uga hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha Socdaalka Dhulka iyo Cirka, Amniga, ganacsiga, Fiisaha iyo arrimo kale.

Maalin ka hor Magaalada Muqdisho waxaa safar ku timid Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya, iyada oo la kulantay dhiggeeda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay ka Shaqeyneyso soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Dad badan ayaa isha ku haayo safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee dalka Kenya maadaama labada dal ay dano badan isaga xiran yihiin, balse sanadihii la soo dhaafay uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here