RW Rooble Oo Booqday  Xarunta Safaaradda Soomaaliya Ee  Geneva

0
248

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee QM, halkaas oo uu kula kulmay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.

Xalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Waxaana Ra’iisul Wasaarare Rooble uu Geneva uga qeyb galayaa shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here