Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka.

0
257

Marka-radiogedo-Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa isku soo dhiibaysarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab kaas oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Macalin oo magaciisa afgarashadu yahay (Abu-cali). Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose Sayid Cali Ibraahim.

Sidoo kale, Shaqsigaan isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee Maxamed Xasan Macalin (Abu-cali) ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa intuu ka tirsanaa uruurinta dhaqaallaha deegaanka Kunto waarey, isagoo isa soo dhiibay habeenadii xalay aheyd sida uu sheegay Gudoomiyaha.

Xubno ka tirsan maamulka Degmada Qoryooley oo ka hadlay arrintaan ayaan tilmaamay in  isa soo dhiibista shaqsigaan ay timid dadaallo ay sameeyeen laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here