Sheekh Aadan Madoobe Oo Bulshada Rayidka Kala Hadlay Doorashada Madaxweynaha

0
137

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka oo kaalin mug leh dhib u dhiska dalka.

Kulanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Bulshada Rayidka ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay ururada Bulshada rayidka ah ka qaadan karaan arrimaha doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan, waxaana xubnaha kulanka ka qeyb galeen u mahadceliyeen Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 15-ka bishaan May, waxaana doorashada isku soo sharaxay Musharaxii ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here