Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii ay ku balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo lagu waday inuu beri ka furmo magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in sababta uu baaqday shirkan uu yahay dalab uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor qoor) uu u diray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Dalabkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxweyne Qoor Qoor uu kulan la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Shirkani oo 17-kii bishan lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa laga reebay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaasi oo siyaasiyiin badan ay ku sababeeyeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay ra’iisalwasaare Rooble.
Kulankaasi ayaa horseeday in la baajiyo shirkii madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay uga arrinsan lahaayeen doorashooyinka dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, iyo madaxda dowlad goboleedyada kale, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan baaqashada shirka.