Taageerayaal U Badan Xisbiga Waddani Ee Somaliland Oo Xabsiyada Loo Taxaabay

0
202

Iyadoo dhawaan ay bannaanbaxyo Rabshada wata ay ka dhaceen qaar ka mid ah  Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, ayaa waxaa xabsiyada la dhigay dad hor leh oo kasoo hor jeeday Xukuumadda Muuse Biixi.Wararkii uigu dam,beeyay ee ina soo gaaraya ayaa sheegaya in  Ku dhawaad 60 qof oo Laga soo xiray magaalada Burco habeen hore saaka loo qaaday xabsiga Mandheera.

Dadkaasi  ayaa u badan dhallinyaro iyo Haween taageero u ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana intooda badan laga soo xiray magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in wadooyinka Magaalooyinka waa weyn lasoo dhobay Ciidamo farabadan, waxaana jirta cabsi ku aaddan in ay dhacaan isku dhacyo u dhexeeya shacabka taageersan Xisbiyada Mucaaradka iyo Ciidanka daacadda u ah Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here