Waa sidee xaalada Qooqaani oo ay dagaalo ka dhaceen ?

0
316

Iska hor imaad saacado badan socday ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen fariisimo ciidanka AMISOM ee Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deggaanka Qooqaani.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta culus ee ay labada dhinac is waydaarsanayeen , waxana lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare laba dhinac ah. Xaalada halka ay waxa ka dhaceen ayaa la sheegayaa in ay degan tahay , mana jirto wax war ah oo ku aadan dagaalkan Maamulka Jubbaland uu ka soo saaray.

Radio Gedo News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here