Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalad Cakiran Oo Weli Ka Jirta Iridka Laga Galo Teendhada Afisyooni

0
349

Waxaa xaalad Cakiran ay weli ka taagan tahay Albaabka hore ee laga galo Xarunta Teendhada Afisyooni ee Xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Waddooyinka laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan aaga ku dhow Teendhada Afisyooni, kuwaasi oo diidan in Xildhibaanada ay gaaraan Afisyooni.

Xildhibaano uu hoggaaminayo Mahad Salaad oo wata gaadiidka Dagaalka ayaa gaaray Teendhada, hayeeshee Wariyeyaal ku sugan  goobta oo iyaguna la celiyay ayaa kusoo warramaya in Xildhibaanada loo diidan yahay inay galaan Teendhada.

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo Maanta qorsheysan inay dhacdo, waxaana khilaafka uu ka jiraa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Dhinaca kale Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Dhabancad ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqay inay si Deg-deg ah u tegaan Teendhada Afisyooni, si ay u bilaabato doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here