markii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Amniga Gudaha Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galay maanta Munaasabad xilkaas uu ula wareegayay xilka Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Munaasabadaan waxaa sidookale ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur kaas oo dhaariyay Wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiirka cusub ee Amniga Gudaha kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here