

Munaasabadaan waxaa sidookale ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur kaas oo dhaariyay Wasiirka cusub.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiirka cusub ee Amniga Gudaha kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.