Xaaladda Suudaan oo kasii dareysa.

0
221

Khartoum-radiogedo-Wararka ka imaanaya dalka Suudaan maanta oo Sabti ah ayaa ku waramaya in dhamaan la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.

Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinka magaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.

Sidoo kale, dadka dhigaya Dibadbaxyda ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, islamarkaana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale. Iyadoo Dawladaha reer galbeedka aya ku baaqayn in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaar ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda.

Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum. Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here