Ciidanka Gorgor oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
274

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen tuulooyin u dhow degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire,.waxaana saraakiisha Ciidamada sheegeen inay tuulada Tawakal ku gubeen Doon ay Al-Shabaab isaga kala gudbi jirtay tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen lacagaha iyo wixii kale ay shacabka ka qaadaan.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Shekh, qeybna uu ka ahaa Gudoomiyaha deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab degaannada u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee uu tababaro Turkiga ayaa ku sugan meelo badan oo dalka ah, waxaana ay siweyn uga qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar la kulma weeraro uga imaanayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here