Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Koofur Galbeed Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0
250

Guddoonka iyo Dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗡𝘂𝘂𝗿 𝗦𝗵. 𝗖𝗮𝗱𝗱𝗲 oo ku geeriyoodeey Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha ayaa ku tilmaamay in Xil. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗡𝘂𝘂𝗿 uu qeyb weyn ka ahaa Dowlad Dhiska Dalka gaar ahaan mida Koonfur Galbeed isagoo Xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladihii hore ee Dalka.

“Waxaan U rajeeyeen inta uu ka tagey Marxuumka Oo kamid ah Ehellada, qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan shacabka Deegaanada KGS in Alle Sw Samir iyo iimaan ka siiyo isagane uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Golala Wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here