Qaraxyo ka dhacay meel ku dhow Safaaradda Maraykanka ee Kabul

0
316
Policemen keep watch as angry Afghan protesters burn tires and shout slogans at the site of a blast in Kabul, Afghanistan September 3, 2019.REUTERS/Omar Sobhani

Labo Qarax ayaa waxaa la sheegay inay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda Maraykanka iyo Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Kabul.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta Sputnik ee Raashiya waxay sheegeen inay Qaraxyada dhaceen, kadib, markii ay Toogasho bilaabantay.

Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen in uuro  laga arkay Goobta ay Qaraxyada ka dhaceen.

Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen inay Toogashada ku bilaabantay Qoryaha fudud  iyo kuwa culus.

Ma kala cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo Israasaynta Ka dhacday Kabul, waxayna arrintaasi ku soo beegantay iyadoo Dagaalamayaasha Daalibaan la wareegeen magaalladda Kabul, kadib, markii uu Madaxweynihii Afganistan, Ashraf Qaani uu isaga cararay Kabul,  kadib, markii ay Daalibaan hareereeyeen Kabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here