Qoorqoor oo la kulmay Guddiyada Hirgalinta Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka

0
285

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor xaafiiskiisa ku qaabilay xubna ka socday labada guddi ee kala ah; Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaas oo shalay booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddigan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa kala hadlay madaxweyne Qoorqoor sidii loo dar-dar galin lahaa hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, weli ma shaacin musharraxiinta xubnaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer oo hore guddigan uu ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiintaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland, waxaana dhawaan la filayaa inay ka bilaabato dowlad Goboleedyada kale ee dalka kajira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here